Abuu Mansuur oo Deg deg ugu laabtay Bakool kadib dil loo geestay Wiilkiisa

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa lagu soo waramayaa in uu si deg deg ah ugu laabtay Degmada Xudur ee Caasimada gobolka Bakool , kadib dagaal maalin kahor lagu dilay Wiilkiisa oo ka dhacay Duleedka Xudur.

Abuu Mansuur ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, waxa uuna shalay diyaarad khaas ah kasoo raacay magaalada Kismaayo oo ka dejisay Xudur.

Sida aan Wararka ku heleyno Abuu Mansuur ayaa u taga Xudur in uu ka qeyb galo tacsida Wiilkiisa iyo xubno kale oo kamid ahaa ciidankiisa oo lagu dilay dagaal jimcihii ka dhacay Deegaanka Abal oo qiyaastii Xudur u jira 18-KM .

Abuu Mansuur ayaa sidoo kale wax ka abaabulaya dagaal la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanka Abal iyo Deegaano kale oo kuyaala duleedka Xudur, waxaana abaabul dagaal uu ka socdaa degmada Xudur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -