Somaliland oo xirtay xubno ka tirsan qoyska Nimcaan Hilaac & xiisad ka taagan Boorama (Daawo Video)

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa weeraray hoyga uu Magaalada Boorama ka degan yahay Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Hilaac) kaasoo dhawaan halkaasi tegay.

Fanaanka ayaa maalmo ka hor dhanka Xadka Jabuuti ka soo galay Magaalada Boorama waxaana si weyn u soo u soo dhaweeyey taageerayaashiisa iyo shacabka Magaaladaas.

Waxaa uu kubad la ciyaaray dhalinyarada Boorama isagoo ku lebisan dhar Isboorti oo lagu xardhay calanka iyo astaanka Qaranka Somalia, isagoo hadiyad ahaan dhar noocaas ah u siiyey dhalinyarada halkaas la joogtay, waxaana sawirro arintaas la xiriira lagu baahiyey baraha bulshada.

Booliska Somaliland ee ku sugan Boorama ayaa ka war helay arrimahan iyagoo ka dibna weeraray hoyga qoyskiisu ka degan yihiin halkaas oo ay ku tuhunsanaayeen in fanaanku ku dhuumaaleysanayo.

Shacabka Magaalada Boorama ayaa u kacay iney difaacaan fanaanka iyo qoyskiisa, iyagoo isku dayey iney is’hor taag ku sameeyaan Booliska guriga iney galaan.

Hase ahaatee fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa la sheegay inuu weerarka Booliska ka hor ka baxay guriga uuna ka gudbay xadka Jabuuti oo markii hore uu ka soo galay magaalada Boorama.

Booliska ayaa xiray Nimcaan Hilaac aabihiis, gabar la dhalatay fanaanka iyo islaan eedadiis ah sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah, waxayna wararku intaas ku darayaan in lagu xiray saldhiga Booliska Boorama lana jirdilay.

Maamulka Boorama kama hadlin xiisadan ka taagan degmadaas oo ku caan baxday kacdoon Somaliland diid ah iyo taageerida Midnimada Soomaaliweyn.

Fanaanka ayaa horey dhowr mar loogu xiray magaalada Hargeysa, iyadoo lagu eedeeyey inuu tegay Muqdisho bandhig faneedna ka soo sameeyey, waxaana xarigaas markii laga sii daayey ka dib fanaanku ka baxay degaanada Somaliland isagoo si weyn u mucaaraday maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -