Dowlada Maraykanka oo liiska argagaxisada ku dartay Abuukar Cali Aadan iyo xubno kale

Waaxda arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ee dadka sida gaarka ah loo raadinayo ku dartay saddex ka mid ah Saraakiisha sare Al-Qaacida.

Raggan ayaa ku kala sugan dalalka Yemen, Soomaaliya iyo Waqooyiga qaarada Afrika.

Wanas Al-Faqih iyo Muhammad Al-Ghazali ayaa lagu eedeeyey iney weeraro halis ah ka geysteen dalalka Tunisia iyo Yemen.

Ninka sadexaad ee liiskan lagu daray ayaa ah Soomaali la yiraahdo Abukar Cali Aadan oo Maraykanku sheegay inuu yahay ku xigeenka Hoggaamiyaha Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Warbixin ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters sanadkii 2010 oo laga diyaariyey saraakiisha Al-shabaab ayaa waxaa ku jiray Abukar Cali Aadan, isagoo xilligaas lagu sheegay Amiirka Al-shabaab ee xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana isla sannadkaas la ogaaday in loo magacaabay Amiirkii Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo oo xiligaas gacanta ugu jirtay.

Sirdoonka Reer Galbeedka ayaa laga soo xigtay sanadkii 2012 in Abukar laga dhigay Amiirka Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka, iyadoo sanadkii 2014 Abuukar uu ku biiray hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa horey liiska argagxisada ugu daray masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood uu qaarajiyey iyo qaar weli nool oo la ugaarsanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -