Jubbaland oo War cusub ka soo saartay dagaalkii B/Xaawo, soona dhoweysay warbixintii IGAD

WAR-SAXAAFADEED

Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubaland 28 Janaayo 2021 waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Doorashooyinka iyo warbixintii Guddiga xaqiiqa raadinta IGAD.

Dood dheer iyo falaqeyn kadib waxay goluhu isku raaceen in arrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.

  1. Dagaalkii ka dhacey degmada Baladxaawo oo sababey khasaare naf iyo maalba leh waxay goluhu u tacsiyeynayaan dadkii ku dhintey agaalkaas, waxayna ilaahey uga baryayaan inuu ilaahey caafiyo intii ku dhaawacantey.
  2. Waxay goluhu cambaareeyeen kuwii sababey dhibaatadaas ayagoo huwan magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaa wax aad looga xumaado ah sida ay ula dhaqmeen kuwa sheeganayey magaca ciidanka qaranka Soomaaliyeed askartii ka tirsaneyd ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ay u gaysteen jirdilka foosha xun, dilka iyo inay ku qasbaan waxaan jirin inay sheegaan iyagoo ku marin habaabinaya ummada Soomaaliyeed taasoo ugub ku ah taariikhda ummada soomaaliyeed. Dowlada Jubbaland waxay sidoo kale cambaareynaysaa in masuuliyiin iyo madax sheeganaya magaca qaranka ay ku faanaan dilka iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed kuna tilmaamaan guulo u soo hoydey.
  3. Waxay goluhu aad u soo dhaweynayaan go’aankii geesinimada ahaa ee Madaxweynaha Jubbaland uu ku amrey in Ciidamadii Jubbaland ee Baladxaawo qabsadey ay dib ugu noqdaan fariisimahoodii hore si loo badbaadiyo shacabka iyo hantida bulshada reer Baladxaawo, Maadaama uu dagaalku isku badaley mid lagu dhex dagaalamayo magaalada iyo maatida dhexdeeda.
  4. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqo raadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ah dhanna aan u Xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedka Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS ka gudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey Madaxweynaha Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagaga been abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Xaalada gobolka Gedo, Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taasoo cadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka dalka.
  5. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa magacaabida Gudiyada Maamulka Doorashada Qaranka ee Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ee heer Dowlad goboleed taas oo uu goluhu u arkey tallaabo sax ah oo horey loo qaadey. Wuxuu goluhu hoosta ka xariiqey inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirka Golaha wadatashiga qaranka ee lagu baaqey si loo xalliyo caqabadaha hor taagan Doorashooyinka.

Ugu dambeyn Goluhu wuxuu ka digayaa cid kasta oo sameysa doorasho aan la isku waafaqsaneyn inay masuul ka noqoneyso dhibaatada ka timaada, Golaha wasiirada Jubbaland waxay ugu baaqaan Madaxweynaha DFS inuu qaato doorkiisa hogaamineed iyo masuuliyada ka saaran badbaadinta Dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -