Itoobiya oo qaaday talaabo kale oo lagu xoojinayo heshiiskii ay la gashay TLPF

Baarlamanka Itoobiya ayaa ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalkaas.

“Baarlamanka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamadeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal la soo saaray.

Tallaabadan ayaa xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda, ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa la xusay intii lagu jiray ka doodista go’aanka qabyada ah in kooxda TPLF oo laga qaado calaamadeynta argagixisanimada ay tahay mid lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo heshiiskii nabadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo TPLF,” ayuu yiri baarlamanka.

TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bil kadib markii dagaalka uu qarxay.

Intii uu socday dagaalka, TPLF ayaa mar kusoo dhowaatay inay soo galaan caasimadda Addis-Ababa, hase yeeshee waxaa dib u celiyey ciidamada daacadda u ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo taageero ka helayey dowlado ay ka mid yihiin Turkiga iyo Imaaraadka.

Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -