Jowhar: Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe & Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa maanta Magaalada Jowhar kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe Ambasador Jemes Swan qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehlinayay Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle xubno kamid ah Siihayayaasha Wasiirada iyo Howlwadeenada Madaxtooyada Hirshabeelle.

Kulanka ayaa looga hadlay fatahaadaha iyo dhibaatooyinka uu geysto, Xaalufinta anyaxa uu ku hayo beeraha, Amniga iyo dardargalinta tababarada booliiska, Arimaha bini’aadanimada, qorshayaasha dhameystirka dowladaha hoose iyo doorashooyinka.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan maanta joogno Jowhar. Waxaan u nimid in aan madaxweynaha, wasiiradiisa iyo la-taliyeyaashiisa kala hadalno taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Hirshabeelle oo la dhisay 2016-kii  waa maamul gobolleedka ugu da’da yar dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federalka ee Soomaaliya. Waan ka war qabnaa in baahiyaheeda horumarineed ay arrintani muhiim u tahay xilli qoyska QM ay wali wadaan in ay ka taageeraan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo taageerada bani’aadannimo iyo waliba sidoo kale dhinaca ammaanka iyo dadaalada dib u heshiisiinta” ayuu yiri wakiilka QM ee Somalia

Kulankaan muhiimka ah ayaa kusoo dhamaaday guul is afgarad iyo wada shaqeyn joogta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -