Guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee eedeynta Somalia u jeedisay Kenya oo Warbixin soo saaray

Guddigii xaqiiqo raadinta ee IGAD u xil saartay eedeynta Soomaaliya u jeedisay Kenya ee ah iney faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha ayaa warbixin ka soo saaray baaritaankooda iyo waxyaabaha ay ku soo ogaadeen.

Xubnaha Guddigan oo lagu magacaabay shirkii madaxda IGAD 20-kii December ku yeesheen magaalada Jabuuti kadib markii dowladda Soomaaliya gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya ayaa safarop ku maray magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo degaano ka tirsan xadka Somalia iyo Kenya.

Warbixinta Guddiga oo u muuqatay mid si weyn ugu janjeertay Kenya ayaa lagu sheegay inay jiraan caddeymo ku filan in diyaaradaha Kenya ku xad-gudbeen hawada Soomaaliya, ayaga oo jebinaya xeerka caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka ah ka dib markii Dowladda federaalka amartay in dhammaan dayuuradaha tegaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

Sidoo kale Guddiga ayaa xusay inaysan jirin caddeymo muujinaya in Kenya aqoonsatay Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

“Ka qeyb-galka laba xildhibaan oo miisaan ku leh Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo Yuusuf Xaaji, ee caleemo-saarkii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kama dhigna aqoonsi Kenya siisay Jubbaland,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga IGAD.

Guddiga ayaa sidoo kale meesha ka saaray eedeynta dowladda Soomaaliya ee sheegeysa in gudaha Kenya lagu hubeeyey jabhad uu hoggaamniyo Cabdirashiid Janan, waxana warbixinta guddiga lagu sheegay inay xaqiijiyeen in Janan uu yahay wasiir ka tirsan Maamulka Jubaland, isla markaana ciidankiisa ay hoos tagaan ciidamada Maamulkaas ee aysan aheyd Jabhad.

Xubnaha Guddiga ayaa diiday qodobada Somalia u cuskatay iney xiriirka u jarto Kenya waxayna sheegeen in qodobadaas aysan u qalmin goynta xiriirka labada dal.

“Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya inaysan ku filnaan karin in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. inkastoo dowladda Soomaaliya ay u madax-bannaan tahay go’aannadeedda,”ayaa lagu yiri qayb ka mid ah warbixinta IGAD.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -