Aqalka Senateka Maraykanka oo Trump ka difaacay dacwadii lagu soo oogay

Marka laga reebo shan mudane, dhammaan xubnaha xisbiga Jamhuuriga u matala Aqalka Senatka Mareykanka ayaa Talaadadi diiday dacwadda xil-ka-xayuubinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Diidmada ay diideen 45-ka mudane ee Jamhuuriga ah ayaa ka dhigan, in xildhibaanada Dimoqraadiga aysan heli doonin cod ku filan oo ah 67, si Trump ay Golaha Odaasha ugu sameeyaan xil ka qaadis isaga oo xafiiska ka maqan, taasoo haddii ay dhacdo halis gelineysa in madaxweynihi hore uusan mar danbe Mareykanka ka qaban xil heer federal ah.

Aqalka Wakiillada ayaa Trump xilka ka qaaday markiisii labaad, maalmo yar ka hor inta uusan xafiiska ka tagin, kaddib marki ay ku heleen danbi ah “Kicin fal lagu ridi rabay dowladda”.

Mudanayaasha dimoqraadiga oo hadda leh Aqlabiyadda Senantka isla markaana heysta 51 xildhibaan, ayaa dhanka Jamhuuriga uga baahan in ay ka helaan 17 mudane. Xubnaha Jamhuuriyiinta ee Sanetka ayaa ah 50 mudane.

45-ka mudane ee diidday in Aqalka Odayaasha dacwado kusoo oogo Trump, ayaa u cuskaday in aanan xil laga qaadi karin madaxweyne aanan xafiiska joogin. Waxay kaloo sheegeen in tallaabadani ay sii dheereyn karto kala qeybsannaanta xagga siyaasadd ee Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -