Allbanaadir.com
NEWS

Ruto oo shaaciyey shir lagu xalinayo khilaafka Somalia & Itoobiya

Madaxda Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa qorsheynaya inay yeeshaan kulan ay ku yareynayaan xiisadaha gobolka Geeska Afrika ee u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya Sida yy shaaciyey madaxweynaha Kenya William Ruto.

Ruto ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlayay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania isagoo ah guddoomiyaha cusub ee ururka bulshada Bariga Afrika xili uu ka qeyb galayey shir madaxeedkii 24-aad ee caadiga ahaa ee madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Ruto ma sheegin xiliga uu dhacayo kulanka la qorsheeyay. Haddii la xaqiijiyo, waxa uu noqonayaa shirkii ugu horreeyey ee toos ah oo dhexmara madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii Addis Ababa ay Somaliland la saxiixatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyey Jan 1, 2024 inkastoo uusan weli fulin.

Madaxda Soomaalida ayaa ku adkeystay in aysan jiri doonin kulan toos ah oo ay la yeelanayaan madaxda Itoobiya haddii aan la baabi’in heshiiska MOU ee ay Somaliland kaasoo dhigayey in labada dhinac ay isku bedeshaan dhul badeed iyo aqoonsi.

Related posts

Falal amaan daro oo kusoo kordhay magaalada Baydhabo xili lagu wado in Doorasho ka dhacdo

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo & goobaha danta guud (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo xil cusub u Magacaabay Maxamed Faarax Sabriye

Cabdi Cade
Taboola Ads ---