Wararkii Ugu Dambeeyay nin Ganacsade ah oo Goordhaw lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nin Oday ah oo kamid ah ganacsatada Suuqaasi mudo aad u dheer ku ganacsanayay.

Sida aan wararka ku helnay dhalinyaro biskoolado ku hubeesan ayaa goobtiisa shaqada ugu tagay kadibna ku toogtay ganacsadahan oo magaciisana lagu soo koobay Xogolof.

Ganacsadaha la dilay ayaa caan ku ahaa ka ganacsiga caagaga lagu keeno saliida ee cabirada kala duwan isugu jira, waxa uuna goob ganacsi ku lahaa Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Boosteejadii hore ee Gubta.

Lama oga ilaa hada sababta loo dilay ninkan odayga ah oo la sheegay in uusan wax siyaasad ah lug ku laheyn, waxaana dilkiisa aad uga naxay ganacsatada Suuqa Bakaaraga gaar ahaan kuwa sida weyn u yaqaanay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana magaalada kusoo badanaya dilalka qorsheesan iyo qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha laamiyada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -