Xildhibaan Siyaasadeeyay Qaraxyada Miino ee kusoo badanaya magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho mudooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayay qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka , qaraxyadan ayaana siyaabo kala duwan loola eegtay masuuliyiin, saraakiil iyo Odayaal dhaqmeed.

Qaraxii ugu dambeeyay ee miino ayaa maanta ka dhacay agagaarka Isgooska Beexaani ee degmada Shibis, waxaana qaraxan lagu dhaawacay Xildhibaano hore oo katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo ku dhaawacmay halka afar askarina ku dhinteen.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa siyaasad la xariiriyay qaraxyada miino ee kusoo batay Muqdisho, waxa uuna xusay Xildhibaanka in Miinooyin laga keenay Eritrea magaalada lasoo galiyay.

”Duqowda Mudulood ee maanta miinada loo dhigay caafimaad degdeg ah Allaha siiyo. Maalmo ka hor ayay ahayd markaan idiin sheegay MIINOOYINKA SOO BOODA in Muqdisho la soo dhoobay. Waxaan mar kale ku celinayaa shaar Shabaab inta la idiin soo gashado yaan la idin dabargoynin ee qaraabooy hala isjiro!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaana maalmo kahor qoraal uu soo saaray ku sheegay in Muqdisho la keenay miinooyin soo booda ah oo laga keenay dalka Eritrea, kuwaa uu sheegay in lagu beegsanayo siyaasiyiinta aragti ahaan kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -