Shirkada Facebook oo gaartay Go’aan adag oo ka dhan ah Donald Trump

Madaxweynihii hore ee dowlada Mareykanka Donlad Trump ayaa wali cadaadis xoogan kala kulmaya maamulayaasha baraha bulshada ,kadib markii uu ku baahiyay inta uusan xilka ka degin hadalo u muuqday kicin rabshado iyo naceyb.

Shirkadda Facebook ayaa shalay oo jimco ah ku dhawaaqday in ay ka joojiyeen madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump isticmaalka Facebook illaa laga gaarayo bisha  Janaayo ee sanadka 2023.

Waxa ayna shirkada ku dhawaaqday isbeddelo ku saabsan sida ay ula dhaqmi doonto hoggaamiyeyaasha adduunka ee jabiya shuruucda shirkadda ee ku saabsan qoraallada lagu soo daabaco bartooda.

Shirkada Facebook ayaa xayiraad saartay bartii uu Madaxweyne hore Donald Trump uu kulaha Facebook maalin kaddib rabshadihii ka dhacay aqalka Koongareeska Mareykanka ee Capitol Hill 6-dii Janaayo ee sanadkan.

Facebook iyo Twitter ayaa marar badan masaxay qoraalo iyo muuqaalo uu barahaasi soo dhigay Madaxweyne Trump, waxa ayna shirkadaha ku eedeeyeen in hadaladaasi ahaayeen kuwa kicin dadweyne iyo naceyb uu ka muuqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -