Abshir Bukhaari oo Xukuumada Soomaaliya ku dhaliilay hal arin oo ay ka gaabisay

- Advertisement -

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaalada adag ee xiligan ka taagan magaalada Baladweyne gaar ahaan fatahaada wabiga oo sababay in qoysas badan guryahooda ka barakacaan.

Abshir Bukhaari ayaa ku dhaliilay Xukuumada Soomaaliya in ay ka gaabisay wax ka qabashada musiibada ka taagan magaalada Baladweyne, waxa uuna tilmaamay in Xukuumada muhiimada koobaad siiso arimaha siyaasada ee ka taagan maamulada.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Abshir Bukhaari

KA HORTAGGA IYO KA JAWAABIDDA MUSIIBOOYINKA DABIICIGA AH

Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne.

Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne.

Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas.

Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay.

Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan.

Haddaba, aniga oo ka mid ah wakiillada Shacabka Soomaaliyeed, waxaan isweydiinayaa sababta ay laanta fulinta ee Dawlada Federaalka iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed aysan labaduba ilaa iyo hada u qaadin tallaabo ka hortag ah iyo mid looga dabatageyo xaalada murugsan ee ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabeelle?

Marka la eego sida ay Xukuumadda Federaalka ula falgasho arrimaha ka dhaca Dawlad Goboleedyada, waxaan shaki ku jirin in Xukuumaddu ay mudnaan weyn siiso arrimaha siyaasadda oo keliya kuwaas oo ah waajibaad ay la gaar yihiin dastuurada dawlad goboleedyada si waafaqsan Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -