R/W Rooble oo ka hadlay Dilka Gudoomiyihii Hodan amarna siiyay Hay’adaha amaanka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun uu xalay ku dhintay fal nasiib daro ah, waxa uuna tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay.

”Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho,Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Rooble.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada aheyd ee lagu dilay Gudoomiyaha Hodan.
Ciidamo katirsan booliiska oo ku sugnaa Koontarool kuyaala degmada Howlwadaag ayaa xalay saqdii dhaxe rasaas ku furay gaari uu la socday Gudoomiyaha degmada Hodan oo shalay Muqdisho kusoo laabtay kadib maalmo badan oo ku maqnaa  Turkiga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -