Dowlada oo ka hadashay Sababaha kordhiyay Qaraxyada Miino ee Muqdisho ka dhaca

Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda kusoo badanayay qaraxyada miino ee lala eeganayay gaadiidka ay wataan masuuliyiinta iyo saraakiisha ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Qaraxii ugu dambeeyay waxaa shalay ka bad baaday gudoomiyaha Degmada Yaqshiid, waxaa sidoo kale maalin kahor qarax miino lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii dhinaca amniga Deegaanka Garasbaaley.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in Al Shabaab kordhiyeen adeegsiga qaraxyada miino kadib markii dowlada kahortagtay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Al Shabaab geesan jireen.

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga in Al Shabaab xooga saareen qaraxyada miino ee hareeraha wadooyinka la dhigo markii laga hortagay qaraxyadii ay u adeegsan jireen baabuurta waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho in ay ka fogaadaan meelaha qashinka ee lagu qarin karo qaraxyada, waxa uuna ka codsaday shacabka in laamaha amaanka soo wargaliyaan hadii miino arkaan.

Hadalka Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Muqdisho kusoo badanayaan qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka, waxaana inta badan qaraxyadan lala eegtaa gaadiidka loo maleeyo in ay la socdaan saraakiil iyo masuuliyiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -