Axmed Madoobe: “Waxaan isku raacnay in shir kale la isugu yimaaddo Dhuusamareeb”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada Galmudug kaga qaybgalay shirweynaha Wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo caawa lagu soo gebagebeeyey Dhuusamareeb.

“Madaxdu waxay isku raaceen in shirka labaad la isugu yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka” ayaa yiri Axmed Madoobe oo u mahad celiyey shacabka iyo maamulka Galmudug sida ay u soo dhoweeyeen mudadii ay shirka joogeen.

HOOS KA DAAWO HADAL JEEDINTA AXMED MADOOBE NOO DHAMEYSTIRAN:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

- Advertisement -