Trump oo Macasalaameyey Aqalka ee cad ee looga arrimiyo Maraykanka (Sawirro)

Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa macasalaameeyey Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka.

Trump ayaa saacado yar kadib noqonaya madaxweynihii hore ee Mareykanka, iyadoo la dhaarinayo madaxweynaha cusub Joe Biden, wuxuuna iska diiday inuu ka qeyb galo xil wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub.

Waxaa uu diiday inuu aqoonsado natiijada doorashadii looga guuleystay ayaa taariikhda ku galay inuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay muddo ka badan 150 sano ee diido inuu ka qeyb galo xafladda dhaarinta Madaxweynaha kaga danbeeyay.

Dayuuradda Helikobtarka ee Marine 1 ayaa ka qaaday Aqalka cad, iyadoo aan wax sagootin madaxweyne ah loo sameyn, wuxuuna ka degay saldhigga Base Andrews ee u dhow Washingtion, halkaas oo maamuus kooban loogu sameeyay, loona riday 21 Madfac.

Khudbad kooban oo uu jeediyey ayuu u mahad celiyey dhammaan dadkii la shaqeeyay, xaaskiisa, wuxuuna doortay inuu dego, kuna noolaado Guri weyn oo ugu yaalla magaalada Maimi ee Gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Maanta oo ku beegan 20-ka bisha January ee sannadka 2021-ka, waxaa magaaladan Washington D.C lagu wadaa in lagu caleema-saaro madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka, Joseph Robinette Biden Jr.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -