Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hey’ad caalami ah oo ka digtay Halis ku soo wajahan qeybo ka mid ah Somalia

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan, kaddin roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyay wabiyada Soomaaliya.

FAO ayaa sheegtay in Wabiga Shabelle uu buux-dhaafay kaddib roobabkii Mahiigaanka ahaa ee da’ay todobaadkii la soo dhaafay.

Waxay sidoo kale sheegtay in roobabkii ka da’ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Soomaaliya, kuwaasoo saameyn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

“Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaasoo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiłayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan” ayaa lagu yiri qeyla-dhaan ka soo baxday FAO.

Dalalka Geeska afrika oo ay ku jirto Somalia ayaa waxaa ka curtay roobabkii xiliga gu’ga ee sanadkan, kuwaasoo sababay iney buux dhaafiyaan webiyada shabelle iyo Jubba ee  mara koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Dhuusomareeb iyo isbadal laga dareemayo

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Qatar uga mahad-celiyay teegeero ay siiso Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiga qabashada doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---