Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan muhiim ah yeeshay

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale oo Soomaaliya jooga.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Arimaha muhiimada u leh xaalada hada lagu jiro gaar ahaan Amaanka iyo Doorashooyinka lagu muransan yahay.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

Related posts

Iran oo wada xaajood la furtay Mucaaradka la wareegay Siiriya

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo maanta la wareegay deegaanka Cadcadeey kuna sii siqaya …

Cabdi Cade

Isbitaalka Turkiga ee Ragga oo daaweyn heer sare ah u haya ragga Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---