Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay Degmada Yaqshiid gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Towfiiqi, waxaana qaraxan lala eegtay gaari halkaasi marayay.

Warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa oo  ahaa miino  nuuca soo boodada ah ee la dhigo hareeraha wadooyinka lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiyaha degmada Yaqshiid Maxamad Cabdillahi Cariif  oo halkaas marayay.

Qaraxan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaalada Gudoomiyaha degmada Yaqshiid , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan imaanayaa xili shalay qarax miino lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii amniga ee Deegaanka Garasbaaley.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Q/Midoobay oo balan-qaad culus u sameysay taliska ciidanka XDS (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) War Murtiyeed ka dhan ah DFS oo laga soo saaray shirkii Puntland & Jubbaland

Caydiid Ali

Wasiir Cawad oo la kulmay wafdi heerkiisu sareeyo oo dalka soo gaaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---