Rasaas lagu furay Waalidiin ka banaan baxayay Caruurtooda oo Eritrea ku maqan (Sawirro)

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa maanta rasaas ku furay waalidiin ka banaan baxayay wiilashooda oo tababar askarnimo loogu qaaday dalka Eritrea aysan war iyo wacaal toona aysan ka aheyn.

Waalidiinta wiilashooda maqan yihiin iyo dad kale oo isugu soo baxay Koonfurta magaalada Gaalkacyo si ay dareenkooda u muujiyaan ayaa ciidamada amaanka Galmudug rasaas ku kala eryeen.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo dowlada federaalka Soomaaliya ay ku eedeyeen in caruurtooda u qaadeen dalka Eritrea .

Qaar kamid ah Waalidiinta caruurtooda ka maqan yihiin ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ka murugeesan yihiin wiilashooda aysan nolol iyo geeri ku heyn, waxa ayna xuseen in ay ka walaacsan yihiin warka sheegaya in dhalinayro Soomaaliyeed lagu laayay dalka Itoobiya.

Waxa ay ugu baaqeen dowlada Soomaaliya in runta u sheegto una cadeeyaan hadii caruurtooda nool yihiin iyo hadii ay dhinteen, waxa ay sidoo kale codsadeen in wiilashooda dib loogu soo celiyo.

Banaan baxan ayaa imaanaya xili labadii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayo war ku saabsan in dhalinyaro tababar loogu qaaday dalka Eritrea si qasab ah loo galiyay dagaalka ka socda gobolka Tigrey halkaasna lagu laayay qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -