Donald Trump oo cafis u fidiyay Dambiilayaal badan uu ku jiro Steve Bannon

Madaxweynaha maanta xilka ka degaya ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saacadihii ugu dambeeyay inta uusan xilka wareejin kahor cafis u fidiyay dad badan oo horey xukuno loogu riday.

Donald Trump ayaa dadka uu cafiska u fidiyay waxaa ku jira la taliyihiisii hore Steve Bannon kaas oo wajahayay dacwado la xiriira musuq maasuq, waxaana cafiskan hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Mareykanka.

Mr Bannon wuxuu ahaa la taliyihii Trump xilliggii ololaha doorashada 2016-kii, waxaana bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay lagu soo oogay dacwad ah musuq maasuq oo ku saabsan olole lacag uruurin ah oo ku saabsan dhismaha gidaarka xuduudka Mexico.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa saacado kahor inta uusan xilka wareejin waxa uu sidoo kale cafis Madaxweyne u fidiyay 70-qof oo sanado u xirnaa dambiyo kala duwan oo lagu helay kuwaa oo ku xirnaa xabsiyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -