Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Cawad oo la kulmay wafdi heerkiisu sareeyo oo dalka soo gaaray (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka.

Waxaa hoggaaminaya wafdigan Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka oo soo gaaray Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray iskaashiga iyo isku duwidda wadajirka ah ee dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada iyo sidoo kale taageeridda dib u heshiisiinta qaran, la dagaalanka argagaxisada, dib u dhiska dalka iyo dadaalka Xukuumadda Federaalka ee deganaansho iyo nabadgelyo ku soo dabaalidda dalka.

Waxaa sidoo kale lagaga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gobolka iyo dunida inteeda kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 1aad :-Maxay aheyd riyadii rumowday ee isagoo yar la tusay Nabi Yuusuf CS?

admin

Dagaal Khasaare geystay oo maalintii labad ka socda degaan hoos taga Galmudug

Caydiid Ali

Saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe oo la ansixiyay (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---