Trump oo xayiraad kusoo rogay Saraakiil u dhalatay Tanzaniya kahor inta uusan xilka wareejin

Madaxweynaha maanta xilka ka degaya ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xayiraad adag oo dhinaca safarka ah kusoo rogay saraakiil iyo masuuliyiin kale oo u dhashay dalka Tanzaniya .

Saraakiishan xayiraada kusoo rogay Madaxweyne Donlad Trump oon magacyadooda Warbaahinta loo soo bandhigin ayaa lagu eedeeyay in ay majo xaabiyeen doorashadii dalka Tanzaniya ka dhacday bishii October ee sanadkii hore.

Xoghayaha arimaha Dibadda Mareykanka ee isna xilka ka degaya Mike Pompeo ayaa sheegay in saraakiishan ay carqaladeeyeen geedi socodkii doorashada islamarkana ay marin habaabiyeen dimuqradiyada dalka Tanzaniya.

Waxa uu sheegay Mike Pompeo in saraakiisha talada dalka Tanzaniya hayay si xun u maamuleen doorashada, waxa uuna tilmaamay in si xun loola dhaqmay siyaasiyiinta mucaaradka, saxafiyiinta sidoo kale la jaray Internetka.

Dowlada Tanzaaniya ayaan wali ka hadlin go’aankan uu xayiraada ku saaray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump saraakiisha dalkaasi u dhalatay saacado kahor inta uusan Trump xilka ka degin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -