Xaaf oo Wasiir cusub ku kordhiyey Maamulka Galmudug (Akhriso)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa magacaabay wasiir cusub oo ka mida noqonaya Golaha Wasiirada Garabka u hoggaamiyo, kadib markii la ansixiyey Golaha wasiirada maamulkaasi.

Wareegto kasoo ka soo baxday Xafiiska Xaaf ayaa lagu magacaabay Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka, waxaana loo magacaabay Saalax Cabdullaahi Maxamed, iyadoo wasaaradda Arrimaha Gudaha laga jaray qeybta dib u heshisiinta.

Madaxweyne Xaaf oo hore u magacaabay 25 wasiir ayaa hadda tirada wasiirada Galmudug ka dhigay 26 wasiir markii Wasaarada Arimaha Gudaha Dib heshiinta iyo Dowladaha Hoose laba loo qeybiyay.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -