Sida laga soo xigtay Fox News: Waxaa suragal ah haddii Mareykanka go’aansado inuu weerarro xarunta nukliyeerka Iiraan ee Fordow , inuu adeegsado hub nukliyeer ah oo istaraatiiji ah (tactical), si ay goobta uga dhacdo burburin dhammeystiran.
Waa maxay tactical nukliyeerka?
Hubka nukliyeerka, wuxuu leeyahay laba qeybood oo muhiim ah: hubka nukliyeerka istaraatiijiga ah (strategic) iyo hubka nukliyeerka istaraatiijiga yar (tactical).
Nukliyeerka tactical-ka waa mid loogu talagalay in lagu isticmaalo goobaha dagaalka ee xaddidan, sida weerarada saldhigyo ciidan, dhismayaal istaraatiiji ah ama kolonyo milatari. Awoodda qaraxa uu leeyahay waa mid ka yar tan hubka nukliyeerka weyn, waxaana lagu beegsan karaa bartilmaameedyo gaar ah si aan loo fidin khatarta dagaal dunida oo dhan saameeya.
Tusaale ahaan, wararka ku saabsan suurtagalnimada in Mareykanku adeegsado tactical nukliyeer si uu u burburiyo xarunta nukliyeerka Iran ee Fordow ayaa walaac dagaal abuuraysa , inkasta oo la sheegayo inaysan taasi la micno ahayn bilaabidda dagaal nukliyeer caalami ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com