Shariif Xasan ” Doorashada Waqti waa lagu dari karaa balse Madaxweyne Farmaajo Maya ”

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale soo noqday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay muranka ka taagan doorashada iyo cabsi laga qabo in dalka khalalaase galo.

Shariif Xasan ayaa sheegay in Muhiim tahay in Madaxda Dowlada federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo Golaha Midowga Musharaxiinta kawada hadlaan qaabka ay u dhaceyso doorashada si looga gudbo ismari waaga taagan.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa ka digay in mudo xileedka Madaxweynaha uu dhamaado iyada oon wali xal laga gaarin muranka ka taagan doorashada ayna wali taagan tahay khilaafka sida ay u dhaceyso doorashada iyo guddiga lagu muran sanyahay.

“Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha & Maamulada in lawada fadhiisto oo lagu go’aan gaaro kahor 8-da febaraayo, balse dhibaatadu waxa ay imaaneysaa in waqtigaas la gaaro iyada oo aan heshiis lagu ahayn, waqti waa lagu dari karaa waxaa ka horreeya in heshiis lagu yahay, balse Madaxweynaha maya ,waxa uu xilka uga egyahay 8-da Febaraayo 2021” Ayuu yiri Shariif Xasan .

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya hadana kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ka digay in dalka khalalaase iyo dhibaato la galiyo , waxa uu ku baaqay in waxa la isku hayo laga heshiiyo si doorasho wada ogol ah loo galo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -