Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Guudlaawe & taliye Fahad Yaasiin?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay galabta Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska Fahad Yaasiin oo ku yaalla xarunta Hey’adda Nabadsugida Qaranka NISA ee magaalada Muqdisho

Waxaa kulankan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka oo ismari waa uu ka taagan yahay,

Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA ay dadaal uga jiraan sidii dowlad goboleedyada taabacsan uga qabsoomi laheyd doorashada Aqalka Sare ka hor 8 Febraayo.

Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddexaad ee Dowlad Goboleedyada taabacsan DF oo xarunta Nabadsugidda kula kulma taliyaha Nabadsugidda, waxaan sidaan oo kale horrey Taliska Nabad sugidda loogu qaabilay Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen.

Lama oga illaa hadda waxyaabaha ka soo baxay kulanka Cali Guudlaawe iyo Fahad Yaasiin, waxaana kulankaas ka dib Cali Guudlaawe uu hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -