Nabadoon dhaliila Maamulka Axmed Madoobe oo Kismaayo lagu xiray

Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland ayaa hoygiisa magaalada Kismaayo kala baxay Nabadoon caan ah oo lagu magacaabo Cabdi Colow.

Nabadoonka oo heysta dhalashada dalka Canada ayaa la sheegay inuu habeenkii labaad ku baryay Saldhig ku yaalla Magaalada Kismaayo sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Nabadoonka uu ka mid yahay golaha isbeddel-doonka Jubbaland ee diidan hogaanka Axmed Madoobe.

“Nabadoon Cabdi Colow oo kamid ah Nabadoonada Jubbaland ee u ololeeya isbedelka sida xoogana u dhaliila Maamulkii hore ee Jubbaland ayaa si sharci daro ah loogu xiray Kismaayo, Qoraal ashtako ayaan gaarsiinay xafiiska Xuquuqul insaanka ee UN-ka, Taliska Booliska Jubaland, Dowlada Federaalka iyo Dhamaan heyadaha ay khuseyso ayuu yiri” Xildhibaan Xidig.

Laamaha amniga Jubbaland ayaan ka hadlin xariga nabadoonkan, iyadoo horay loogu eedeeyay Madaxda Jubbaland xariga dadka ka soo horjeeda siyaasadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -