C/kariin Guuleed:”Haddii DF xal keeni weyso, dowlad kale ayaan ka garab dhiseynaa”

Madaxweynihii hore ee Galmudug ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka dhawaajiyay qorshaha u degsan mucaaradka, haddii maaxda DF ku adkeystaan ineysan waxba ka bedelin guddiyada doorashada ee ay magacowday.

C/kariin Guuleed oo xalay ka qeyb galay barnaamij dood ah oo suā€™aalo lagu weydiinayay ayaa sheegay in haddii uu sii socdo ismari waaga taagan, xalna loo heli waayo ay shirweyne isugu imaan doonaan dowlad goboleedyada iyo Musharaxiinta.

Waxaa inoo banaan ayuu yiri madal cusub oo looga hadlayo hannaan doorasho, loogana heshiinayo saddex qorshe oo la sameynayosi marxalada taagan looga gudbo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay sameyn doonaan dowlad dalka gaarsiisa doorasho.

ā€œHaddii xaalka barako ma leh gaarto oo caqliga talin waayo, dowladana waqtiga ka dhaco waxaa inoo banaan hannaan kale oo doorasho ah iyo inaan dhisno dowlad cusubā€ ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Mucaaradka ayuu sheegay inay doonayaan hoggaan ku yimid si nabad ah si la mid ah sidii shalay Madaxweyne Farmaajo ku yimid oo shacabka ay soo dhoweeyeen, balse waxaa uu sheegay in haddii taas la waayo aan loo fadhin doonin lana qaadayo talaabooyin lagu badbaadinayo dowladnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -