RW Kheyre oo ka hadlay khilaaf la sheegay inuu dhexmaray isaga & madaxda Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan degaanada Puntland ayaa ka hadlay warar soo baxay maalmahan oo sheegayay in booqashadiisii Puntland uu hareeyey khilaaf siyaasadeed.

Khayre ayaa beeniyey Wararkaas, isagoo sheegay inay faafinayaan kuwo fashilmay oo buu yiri caadeystay inay xumaan kaliya raadiyaan.

“Waxaa jira kuwa mar walba raadiya Xumaanta, waxaan leeyahay waad fashilanteen, waxaan leenahay reer Puntland iyo hooyada federaalkuba waxay noo soo dhaweeyeen sidii aan mudneyn iyo ka wanaagsab, haddii intii aan joognay ay jirtay cid welweshay, waxaan leeyahay qalbigaaga qaboojiso” ayuu yiri Kheyre.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dad ka walaacsan Ra’iisul Wasaaruhu muxuu la noqon doonaa? balse uu u sheegayo inuu Puntland ka dareemay faraxad, isla markaana ay fuushay mas’uuliyada Weyn oo ay ku dhaliyeen Shacabka reer Puntland oo uu sheegay iney yihiin dad jecel qaran imada Somalia.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen maalmo ka hor warar sheegayey inuu khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Puntland kaasoo ka dhashay  markii Kheyre uu diiday inuu ka qeyb galo dhagax-dhiga dekada Garacad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -