Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Sargaal kasoo goostay dagaalyahanada Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa lagu soo bandhigay sargaal la sheegay in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab kana soo xoogstay kooxdaasi sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowlada.

Taliyaha Ciidamadda ka howlgala degmada qoryooley Col- Cali Waal iyo Taliyaha Ciidamadda AMISOM ayaa soo bandhigay sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab, waxa uuna sheegay Col Cali Waal in sargaalkan si iskiis ah isku soo dhiibay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay soo dhaweeyeen sargaalkan uu tilmaamay in uu kamid ahaa raga Al Shabaab u qaabilsan degmada Qoryooley iyo deegaanada ku dhaw dhaw, waxa uuna ugu baaqay dagaalyahanada kale ee Al Shabaab in iyana isa soo dhiibaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhigtay xubno kasoo goostay dagaalyahanada Al Shabaab, kooxda Al Shabaab ayaana inta badan looga baran in ay ka hadlaan xubnaha la sheego in ay kasoo goostaan ee lasoo bandhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Kamala Harris oo si adag uga hadashay Weerar Israa’il fulisay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Warta Tunbuluq ee Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---