Midowga Yurub oo Hakiyay lacag badan uu siin lahaa Itoobiya iyo Sababta keentay

Midowga Yurub ayaa hakiyay malaayiin Dollar oo lacag ah oo loogu tala galay in gar gaar lagu gaarsiiyo dalka Itoobiya, waxaana hakinta lacagtan sabab looga dhigay xaalada adag ee wali ka taagan deegaanada Tigrey.

War kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in la hakiyay lacag gaareysa 100 Milyan dollar oo gar gaar ah oo la siin lahaa Itoobiya, waxaana shuruud looga dhigay bixinta lacagtaasi in marka hore hay’adaha gargaarka loo ogolaado inay galaan gobolka Tigrey.

Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa sheegay in walaac xoogan ka qabaan xaalada ka taagan gobolka Tigrey, waxa uuna tilmaamayĀ  in qowmiyado la bartilmaameedsanayo ayna socdaan falal dil ,dhac iyo dhibaatooyin kale.

“Xaaladda goobtaasi ka taagan waa ay dhaaftay howlgal ‘amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo, waxaan heleynaa warbixinno isdaba joog ah oo ku saabsan oo muujinaya in qowmiyad si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, dilal, dhac baahsan, qaxooti si xoog ah dib loogu celinayo Eritrea iyo waliba suurtagalnimada dambiyo dagaal ,” ayuu yiri Borrell.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa xoog kula wareegay inta badan deegaanada maamulka Tigrey, waxaana gobolkaasi laga soo warinayaa in ay ka socdaan tacadiyo xoogan oo lagu beegsanayo Qowmiyada Tigrey oo awoodoodii la wiiqay, iyadoona hay’adaha gar gaarka aan loo ogolaan in ay galaan gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -