Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle oo kulan Xasaasi ah la qaatay Wasiirada Hawiye

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Wasiirada katirsan Xukuumada Soomaaliya ee kasoo jeeda Beesha Hawiye.

Kulanka Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe la qaateen Wasiirada kasoo jeeda beesha Hawiye ayaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka taagan.

Waxa sidoo kale Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle kala hadleen Wasiirada katirsan Xukuumada in muhiim tahay in laga gaashaanto in dhibaatooyin ka dhasha doorashada ka dhacaan deegaanada beeshu degto.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo isku dhiibay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa cabsi badan ka qaba in dhibaatooyin ka dhaxlaan dooarshada halka dhinac u raran ee la doonayo in dalka ka dhacdo.

Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowlada federaalka oo inta badan kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa horey uga digay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug in ay isku dhiibaan Villa Soomaaliya kana shaqeeyaan doorasho aan loo dhameyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -