Ciidamada Liyuu Booliis oo afduub iyo dhibaatooyin kale ka geesta gudaha Soomaaliya

Ciidamada Liyuu booliiska ee ka amar qaata dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhibaato xoogan ku haya shacabka ku dhaqan deegaanada kuyaala xuduuda gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan deegaanka Feerfeer ee kuyaala xuduuda Hiiraan iyo maamulka Soomaalida ayaa ku eedeeyay ciidamada Liyuu booliis in dhibaato joogta ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Cali Jeyte in ciidamada Liyuu booliis ay iska afduubtaan iskana xirtaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada u dhaxeeya  Xudeey iyo Wagle ee kuyaala xadka gobolka Hiiraan.

“Indhaha kama qabsan doono ciidanka Liyuu Boolis ee maalin walba dadka ka xir xiraayo gudaha Soomaaliya gar ahaan xududka Hiiraan, dad isugu jiro shacab iyo ciidan ayay si Afduub ah uga qabsadeen inta u dhaxeeyso Xuday Weglle iyo dareerte sifo sharci daro ah ayayna ku heestan mana jirto ciid nagala hadashay arintaas oo nagala xajootay waxana ay arintaas dhalineeysa cawaqiib xuumo daran” ayuu yiri” Cali Jeyte.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hada kadib aysan indhaha ka fiirsan doonin dhibaatada ay ciidamada Liyuu booliis ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hiiraan kunool ayna ka bixin doonaan jawaab cad.

Ciidamada Liyuu booliiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed ee kunool dhulka miyiga ee kuyaala xadka Soomaaliya iyo dowlad Deegaanka Soomaalida .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -