Mid ka mid ah difaacayaasha xuquuqda aadanaha Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Nederlands [Sawirro]

Kulan isu xog-waramid iyo kala war-qaadasho ah ayaa Magaalada Amsterdam ee dalka Nerderlands ku dhexmaray Axmed Maxamed Cali (Kiimiko) oo ah garyaqaan xuquuqda aadanaha Soomaaliya muddo dheerna ka mid ahaa difaacayaasha xuquuqda aadanaha Soomaaliya iyo hormuudka jaaliyada Soomaalida dalka Nederlands, waxaanna kulanka soo qabanqaabiyey guddoomiyaha ururka SPA Xassan Weheliye.

Dr. Cali Waare oo madax ka ah dallada FSAN iyo Guddomiyaha ururka SPA Xassan Weheliye, oo kulanka daah-furay   ayaa sheegay in jaaliyadda Holland ay mar walba u taagan tahay  dhiirangelinta iyo is-garabtaaga Dowladnimada Soomaaliya iyo cid kasta oo isku howsha sidii dalkeenu mar kale uu cagihiisa isugu taagi lahaa.

Garyaqaan Muuse Xirsi oo ah sharci yaqaan, kulankaasina ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in qof kasta uu ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda dalkiisu, dowladduna ay noqoto iaaliyaha iyo fuliyaha sharcigaasi dabaqaya.

Garyaqaan Muuse, wuxuu yiri:

“Kulamo badan ayaa la qabtaa, kulankaan waxaad moodaa inuu muhiimad gaar ah leeyahay,  sababtuna waxeey tahay in la kala faaideysto, oo aan ka doodno, talo iyo tusaalena ku yeelano waxa dalkeenii ka dhacaay”

Garyaqaan Muuse, waxaa kale oo uu yiri:

“Soomaaliya indhaha ay leedahay maanta waxaa u yeelay in aan fududeysano sharciga aan qorono, waxaan wax noqoneynaa marka muwaadin kasta uu ka cabsado sharciga, dowladduna ay noqoto ilaaliyaha sharciga”

Axmed Maxamed Cali [Kiimiko] oo ah garyaqaan xuquuqda aadanaha, ayaa jaaliyadda kaga  warbixiyey xaaladda dhinaca xuquuqda aadanaha Soomaaliya,  isaga oo sharaxaad ballaaran ka bixiyey isbeddeladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay iyo sida looga sii dhaqaaqi karo halka la jogo.

“Dowladdu, waxeey qaaday tillaabooyin wax ka taraya soo kabashada dowladnimada, oo raadadkoodii ay muuqdaan, haddana qaladaad waa jiraan, qaladaadka jira waxaa ka mid ah ku dhaqanka nidaamkan 4.5 ee qabaliga ah, oo qabiil walba marka lagu yiraa adigu soo xulo wasiir ama xildhibaan, uu keenayo shaqsi aan khibrad iyo  waddaniyad ka maran” Ayuu yiri Kiimiko, wuxuuna intaasi sii raaciyey:

“Waxaa is haysta waa dad daneysatayaal ah oo kuraastii ku fadhiya oo aan fahamsaneyn dalkan iyo wixii uu soo maray, oo aan waddaniyad madaxooda ku jiran, hamigoodu uu yahay daneysi iyo shicib baahi weyn u qaba soo kabasho dowladeed”

Axmed Kiimiko, waxaa kale oo uu tilmaamay in ay meesha ka maqan tahay kaalintii ay qaadan jireen ururada bulshada, oo noqday wax dowladda ku biiray, kuwa qaxay iyo kuwa la aamusan cabsi ay ka qabaan Shabaab.

“Tacadiyada dalka ka jira  waxaa adduunka la wadaagi jiray  ururada bulshada, haddana intoodii badneyd waxeey noqdeen wax dalkii ka cararay” Ayuu yiri Kiimiko.

Axmed Kiimiko, wuxuu dalbaday in la dedejiyo dhisamaha garsoorka, isaga oo xusay in garsoorku yahay mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan dowladnimada, wuxuuna intaasi raaciyey in gabood-fallo badan oo ka dhacay Soomaaliya oo aan la iskula xisaabtamin darteed ay nabaddii laalan tahay, wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay hal-ku-dhigga 11dhahaya “wax kasta oo dhacay xalay-dhalay ha laga noqdo”, taasi oo uu sheegay in muujineyso in xaqa dad lahaa lagu daboolayo.

“Shaqooyin badan oo muhiim ah waxa ay u xayiran yihiin garsoorka, dadka xilal doonka ah waxaan u soo jeedin lahaa inay waqtigooda sugtaan, oo haddii waxa ay doonayaan ay waayaan aysan dhinaca kale ka soo jeesan, ayna dalkooda u damqadaan; qofka xilka haya weligii ma joogayo wuu tegaya, dalkan waa inaan laxa-jeclo u yeelanaa, oo aynaan shaqsiga kursiga ku fadhiya fiirin oo aan dalka fiirinaa” Ayuu yiri Kiimiko.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -