C/raxmaan C/Shakuur oo shaaciyey dhaqaalaha ay ugu deeqeen dadka taageersan

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shaaciyey lacagta ay taageerayaashiisa ugu tabaruceen xisbigiisa, tan iyo markii todobaad ka hor uu shacabka weydiistay iney ka kaalmeeyaan dhaqaalaha ololaha doorashada.

“Waxaan uga mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed lacagta ay ugu deeqeen ololaha doorashadeena. Waxaa todobaad gudihiis ina soo gaaray aduun lacageed oo $50 kun oo doolar ah” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay murashaxiinta kale, gaar ahaan Madaxweynaha dalka inuu shacabkiisa taageero waydiisto, halkii uu shisheeye ama hantida qaranka doorashada u adeegsan lahaa.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay ineysan ceeb aheyn in taageero la weydiisto shacabka, si loo helo madax iyo shacab isjecel oo hal meel uga soo wada jeesta danahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -