Jamhuuriga oo taageeray Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne Trump

Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ayaa laga filayaa inay cod u qaadaan mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne Donald Trump, sababo la xiriira rabshadihii ka dhacay Aqalka Congress-ka dhowaan

Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu taageerayaashiisa ku dhiirrigaliyay inay weerar ku qaadaan dhismaha Capitol ee xarunta u ah baarlamaanka iyo laamaha dowladda. Shan ruux ayaa ku dhimatay qalalaase halkaas ka dhacay.

Xubno ka tirsan xisbiga uu Trump kasoo jeedo ee Jamhuuriga ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in ay ku biiri doonaan ololaha xisbiga Dimuqraaddiga ee xilka looga qaadayo, iyadoo si rasmi ah madaxweynaha loogu soo oogayo dacwad ku saabsan inuu abuuray kacdoon sharciga looga soo horjeedo.

Rabshadaha ayaa Arbacadii lasoo dhaafay dhacay kaddib markii Mr Trump uu taageerayaashiisa goob fagaare ah oo ay isugu soo baxeen magaalada Washington ugu sheegay in ay u dagaallamaan si daran kana soo horjeestaan natiijadii kasoo baxday doorashadii uu ku guuleystay Biden.

Bacdamaa xisbiga Dimuqraaddiga heystaan Aqlabiyadda Golaha, waxay u badan tahay in codeynta ay guuleysato. Kiiska ayaa markaas u gudbi doona Aqalka sare ee Senate-ka, halkaasoo lagu qaadi doono dacwad lagu go’aaminayo in madaxweynaha dambigiisa lagu qaado.

Aqalka Senate-ka ayaa sidoo kale codeynta dacwadda xil ka qaadista u adeegsan kara in ay Mr Trump ka mamnuucaan inuu xil dambe ka qabto dowlada Maraykanka, waxayna talaabadan noqon doontaa dhaawac weyn oo soo gaaray sumcada Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -