Maxay ka wada hadleen Wasiirka Difaaca Somalia & Saraakiisha ciidamada Maraykanka?

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  Jeneraal Cabaas Amiin ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Mareykanka u xoojin lehayd tababarada la siiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska Danab iyo dardargalinta  dagaalada looga horjeedo waxa loogu yeero  argagixisada.

Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa sanadkii la soo dhaafay weeraradii ugu badnaa ku qaaday xoogaga Al-shabaab, iyagoo taageeraya ciidamada xoogga dalka, waxaana weeraradaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxdaas.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu gebagebada yahay ee Maraykanka Trumo ayaa dhowaan amar ku bixiyey qorshe ciidamada Maraykanka looga soo saarayo Somalia ka hor inta uusan xafiiska ka tegin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -