FBI-da Mareykanka oo digniin cabsi leh ka soo saartay xaflada caleemo saarka Biden

Cabsi dhanka amniga ah ayaa ka taagan magaalada Washington DC iyo guud ahaan Mareykanka kaddib qalalaasihii toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay dhismaha Capitol.

FBI-da Mareykanka ayaa ka digtay suurtogalnimada ah in dibadbaxyo hubeysan ay ka dhacaan Mareykanka maalmo ka hor intaan Joe Biden loo dhaarin madaxweyne 20-ka bishan Jannaayo.

Warbixinta kasoo baxday FBI-da ayaa lagu sheegay in koox ay qorsheyneyso inay ‘weerar ku qaadaan dalka’ waa haddii xilli hore xafiiska laga saaro Trump ama maalinta caleemo saarka madaxweynaha cusub.

Waxaa dalka ka socda howlgal lagu sugayo amniga si looga hortago qalalaase kasta oo halkaas ka dhaca.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxaa ka go’an inaysan soo laaban wixii dhacay 6-dii bishan – markii kumannaan taageerayaal u ah Trump ay u dhaceen dhismaha Kongareeska Mareykanka oo ay ka socotay cod loo qaadayay natiijada doorashadii madaxtinnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -