RW Khayre: “Labo sano ka hor Barwaaqadii aan sheegeynay ayaa Soomaaliya u bilaabatay”

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ka qeyb ayaa sheegay in Bankiga Aduunka ugu deeqay dowladda Soomaaliya lacag dhan 45 million oo dollar.
Khayre ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa intaas ku daray in lacagtan ka timid Bankiga Aduunka Dowladda soomaaliya u adeegsan doonto arrimo ay kamid yihiin, horumarinta Arrimahaa Bulshada iyo in lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Kheyre ayaa ku tilmaamay deeqdan ka timid Bankiga Aduunka dadaal ay dowladda Soomaaliya ku bixisay sidii loo soo gaari lahaa halka maanta la taagan yahay, madaama ayuu yiri ay ku dadaashay sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa deynta lagu leeyahay.

”Labo sano ka ka hor bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegay la geli doono xilli Barwaaqo ah, waana ay bilaabatay Barwaaqadii la sugayay” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Hadalka Khayre ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii Bankiga adduunka uu shaaciyey in Soomaaliya markii ugu horeysay 30 sano ka dib la soo noqotay hannaan ay ku heli karto taageero cusub oo toos ah oo uga imaanayso hay’adda horumarinta caalamiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -