Gudoomiyihii Aqalka sare ee Itoobiya oo si lama filaan isku casishay Eedeyna culusna jeedisay

Gudoomiyihii Aqalka sare ee dowlada federaalka Itoobiya Khayriya Ibrahim ayaa si lama filaan ah maanta xilkeeda isaga casishay, waxa ayna wareysi ay bixisay ku eedeesay dowlada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Khayriya Ibrahim ayaa sheegtay in xilkeeda uga tagtay si aysan qeyb uga noqon dowlad kaligeed talis ah oo dooneysa in ay ku xadgudubto dastuurka dalka u yaala si ay mudo kororsi u sameesato.

“Koox kelitalis ah oo malinwalba dastuurka dalka ku xadgudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi, dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda, si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo.” ayey tiri Kheriyga Ibrahim.
Gudoomiyaha is casishay Khayriya Ibrahim oo muddo laba sana ah xilka heysay , ayaa sheegtay talaabbada ay dowladda hadda jirto ku dhaqaaqday ay tahay mid ku xadgudbaysa awoodda xukun ee ay leeyihiin shucuubta iyo qowmiyadaha Itoobiya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -