Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Booliiska Caalamiga oo howlgal kula wareegay xarumo ay leedahay Shirkad Internet

Booliiska Caalamiga ee Interpol ayaa howlgal qorsheesan ay fuliyeen kula wareegay xarumo iyo baraha Internet ay leedahay shirkada Double VPN oo lagu eedeeyay in ay gacan siisay dambiilayaal caalami ah.

War kasoo baxay booliiska caalamiga ayaa lagu sheegay in shirkada internetka ee Double VPN ay gacan siisay burcada caalamiga ah laguna qarin jiray aqoonsiyada iyo halka ay ku sugan yihiin dembiilayaasha internetka.

Baraha ay shirkadan VPN laheyd ayaa booliiska caalamiga ku qoreen fariimo ay dadka ku wargalinayaan in hay’adaha xoojinta sharciga la wareegeen warbixinta iyo xogta ku keydsan baraha shirkaddan.

Shirkadda Double VPN ayaa la sheegay in aad loogu xayeysiin jiray burcadda internet-ka ee ku hadla afafka ingiriisiga iyo Ruushka, waxaana howlgalka shirkadan lagula wareegay iska kaashaday booliiska dalalka Yurub, Mareykanka,Canada iyo booliiska caalamiga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koonfur Galbeed oo kahor timid Jadwalka Dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Kumaandooska Somaaliya oo tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Diyaarad nuuca aan Duuliyaha laheyn oo hub waday oo lasoo riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---