Shirkada Twitterka oo Gabi ahaan hawada ka saartay Ciwaankii Madaxweyne Trump

Shirkada Twitterka ayaa gabi ahaan hawada ka saartay bartii uu lahaa Madaxweyne Donlad Trump, kadib markii Madaxweynaha dhagaha ka fureestay in bartiisa uusan soo dhigin qoraalada rabshadaha kicinaya.

Qoraal kasoo baxay shirkada Twitterka ayaa lagu sheegay in go’aankan ay gaartay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay qoralladadiisii ugu dambeeyay uu Madaxweyne Trump soo dhigay bartaasi.

Twitterka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu bartiisa marar badan ku baahiyay qoraalo kicinaya rabshado iyo khalalaaso, waxa ayna xuseen in Madaxweynaha dhagaha ka fureestay in uu joojiyo baahinta qoraalada rabshadaha abuuraya.

Go’aankan shirkada Twitterka hawada uga saartay barta uu lahaa Madaxweyne Trump ayaa hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada, dadka intooda badan ayaana soo dhaweeyay go’aanka shirkada hawada iga saartay Ciwaanka Madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -