Gabar Guuldaro Jaceyl darteed u qaadatay Go’aan nolosheeda wax ka bedelay ! (Sawirro)

Baraha bulshada dalka Fiitnaam waxaa qabsatay sheekada gabar 19 jir ah oo martay qaliin dhinaca wejiga ah kaddib markii ay muqaalkeeda awgeed ay ku kala hareen jaceylkeedii hore.

Nguyen Tuong Vy waxay wararka ugu shidan ku yeelatay cinwaanka hore kaddib kolkii ay baraha bulshada kusoo baahisay sawiro ay sannado kahor iska qaaday kahor intaanay qaliin isku sameynin. 21 jirtan kasoo jeedda gobalka Dak Lak ayaa sheegtay inay go’aansatay qaliin inay gasho markii ay kala hareen saaxiibkeed iyada oo 17 jir ah.

Aad bay isku jeclaayeen, balse in kasta oo uu u sheegi jiray inuu ku jecel yahay qofka ay tahay, danna uusan ka lahayn siday u eg tahay, haddana weligiis ma uusan barin saaxiibadiisa. Waxay ahayd kaliya markii ay ka qeyb gashay xafladda dhalashada saaxiibkiis kolkii ay ogaatay sababta uu saaxiibkeed u jecleysan in lagu dhinac sawiro.

Tuong Vy waxay xusuusan tahay intii ay socotay xafladda in dad badan ay farta kusoo fiiqayeen iyaga oo cod hoose iskula xamanaya sida xiriir jaceyl uu u dhex mari karo wiil qurux badan iyo gabar foolxun. Xattaa saaxiibkeed kama uusan labalabeyn inuu iska fogeeyo ag-joogisteeda. Mana lahayn rabitaan ah inuu saaxiibadiisa baro.

Tani waxay ku ahayd dhaawac weyn. Waxaana ay 17 jirtaas go’aansatay inay soo gabagabeyso xiriirkii kala dhaxeeyey. Waxaase ay sii niyad-jabtay markii ay ogaatay sida uu ugu faraxsan yahay codsiga ay usoo ban-dhigatay.

Markii uu idlaaday xiriirkooda, Nguyen Tuong Vy waxaa haddana uurxumo ku reebay aragtida gabdho ka qurux badan oo saaxiibkeedii hore la socda. Waana markii ay ugu dambeyntii qaadatay go’aan nolosheeda inta ka dhiman wax weyn ka beddelay — maritaanka qaliin isku qurxineed.

Waxay hooyadeed kala tashatay waxa kala gudboon. Waxaana ay ka heshay garab weyn iyo kaalmo. Adduunkii ku baxay qaliinkeedana iyadaa ka bixisay.

In yar kaddib markii ay ka baxday dugsiga sare ayay gashay qaliinka iyada oo 19 jir ah. Markaas kaddib, waxay soo dhaweyn ka heshay dad badan. Waxaana ay abuuratay saaxiibo dhowr ah oo muqaalkeeda dhalanteedka ah ku jeclaaday inay kula saaxiibaan. Xattaa saaxiibkeedii hore wuxuu noqday mid la dhacsan muuqeeda cusub.

“Lama kulmin muddo 4 sano, in kasta oo uu like iyo love ku dhoobo sawiradda aan soo dhigo bartayda,” ayay tiri.

“Wan u mahadcelinayaa, waayo isaga awgiis, hadda waxaan noqday qofkaan rabay. Waa sax. Qofna majecla inuu saaxiibadiisa horgeeyo qof foolxun. Eedna kuma lahan isagana middaas.”

Sheekadeeda oo aad ugu baahday baraha bulshada ayaa laga bixiyay farriimo isugu jira bogaadin iyo canbaareyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -