Maalqabeen cusub oo Jeff Bezos kala wareegay qofka ugu taajirsan caalamka

Maalqabeen la yiraahdo Elon Musk ayaa noqday qofka ugu taajirsan caalamka kaddib markii ay hantidiisu gaartay $185 bilyan oo doollar.

Ninkan ganacsadaha ah oo iska leh shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya soo saarta ee Tesla iyo shirkadda SpaceX oo farsameysa dayax gacmeedyada, ayaa darajada taajirnimada ee ugu sarreysa caalamka galay kaddib markii ay shirkaddiisa Tesla kordhisay qiimaha saamiyada.

Shirkadda gawaarida korontada sameysa ee Mr Musk, Tesla, ayaa qiime aad u sarreeya yeelatay sanadkan, wuxuuna qiimaheeda suuqa gaaray $700 oo bilyan oo doollar.

Ninkan ayaa booska ugu sarreeya ee taajirnimada kala wareegay milkiilaha suuqa online-ka ee Amazon, Jeff Bezos, kaasoo ahaa qofka caalamka ugu taajirsan ilaa sanadkii 2017-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -