Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida qeybta maamulka Galmudug ayaa waaran soo qabasho ah u jartey horjoogayaashii Kooxda Ahlu Sunna ee dhawwaan weerartay magaalada Dhuusamareeb.
Saraakiil horey uga tirsanaa ciidamada Milatariga ,booliiska iyo NISA oo hada katirsan kooxda Ahlu Sunna ayaa loo jaray waaran lagu soo xirayo si maxkamad loo soo taago.
Booliiska maamulka Galmudug ayaa horey usoo saaray warqad lagu soo xirayo hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir iyo saraakiil kale oo katirsan Ahlu Sunna.