DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax xooggan ayaa caawa goor dhow ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kaasoo si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay wadada afisiyooni meel ku dhow dugsiga sare ee 21-ka OKtoobar.

Gaari la sheegay inuu leeyahay Afhayeenka ciidanka Booliska oo wadada marayey ayaa la sheegay in lala beegsaday qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada la dhigay.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayay wararku sheegayaan inuusan la socon gaariga xiliga qaraxa lala beegsanayey, haweeney wadada mareysay ayaa la xaqiijiyey illaa hadda iney ku dhimatay qaraxa, iyadoo khasaaraha rasmiga ah aan weli la ogeyn.

La soco faahfaahinta goor dhow insha Allaah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -