Doorasho Baydhabo ka bilaabaneysa (Heshiis dhexmaray Farmaajo & Laftagareen)

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur galbeed maanta waxaa dib ugu laabtay Guddiga Doorashooyinka maamulkaas.

Sidoo kale qaar ka mida Guddiga doorashada DF magacawday ee lagu muransan yahay ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, kadib heshiis isbaheysi doorasho oo dhexmaray Madaxeweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Mamaulka K/Galbeed.

Waxaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda doorashada Senatarada ee ka soo jeeda K/Galbeed ay ka bilaabato magaalada Baydhaba

Madaxweynaha K/Galbeed oo taageeraya qorsahaha Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa  ogolaaday inuu noqdo maamulkii ugu horeeyay ee laga soo doorto senatoorada Aqalka Sare.

Kulan Madaxtooyada Soomaaliya ku dhexmaray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu soo gabagabeeyay hesiiska arrimaha doorashada ee sida hoose u dhex maray labada mas’uul

Lafta-gareen ayaa heshiiskan ku bedelanaya xilal dolwadeed oo ay ku jiraan safiiro, taliyeyaal, agaasimeyaal iyo taageero dhaqaale oo la siinayo maamulkiisa sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -