(Sawirro) Guddiga amniga Golaha shacabka oo Su’aalo weydiiyey Wasiir Xundubey

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamanka federaalka Somalia ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka  amniga Xukuumada Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ka wada hadleen labada dhinac xaalada amni ee dalka oo maalmihii dambe weerarro ay ka dhacayeen, diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka, xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo qodobo kale.

Xubnaha guddiga ayaa inta uu kulanka socday  su’aalo ku saabsan amniga guud ee dalka weydiiyay wasiirka amniga iyo mas’uuliyiintii la socotay ee wasaaradda amniga.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey ayaa kulanka kadib la hadlay warbaahinta . isagoo ka warbixiyey waxyabaha ay kawada haleen iyaga iyo mas’uuliyiinta Wasaradda amniga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -